Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 26 2008
Shiikh Xasan Daahir oo Digniin u Diray Qaramada Midoobay
Written by Ali Moallim   
Saturday, 26 July 2008

xasan daahirAsmara,(insidesomalia.org)-Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu digniin u diray Qaramada Midoobay oo uu uga digay in ay taageero siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan.

Shiikh Xasan Daahir ayaa sheegay in dagaal ay la galaan Ciidamo ka socda UN-ka oo Soomaaliya la geeyo ay ku xiran tahay sida ay ula saftaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, “Dagaal aan la galno Ciidamada UN-ka waxay ku xiran tahay sida ay u dhaqmaan marka ay Soomaaliya yimaadaan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo ka digay inay Ciidamadaas noqdaan kuwo la safta Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dabayaaqadii todobaadkii hore shir ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu ka fiirsanayo Ciidamo UN-ka ka socda oo loo dirayo Soomaaliya, kuwaasi oo bedeli doona Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho oo tiradooda ay dhan tahay 2,600 oo Askari.

Shiikh Xasan Daahir oo isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea u waramayay Wakaaladda Wararka AP ayaa wuxuu beeniyay eedeymo ay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay u jeediyaan oo ah in uu xiriir la leeyahay Ururro Argagixiso ah.

Dhanka kaelena Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afirka Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in haddii Shiikh Xasan Daahir uu doonayo in laga saaro Liiska Argagixisada uu taageero hannaanka Dib u heshiisiineed ee laga dhex wado dhinacyada Soomaalida.

“Shiikh Xasan Daahir Aweys, haddii uu rabo in liiska argagixisada laga saaro, waa inuu ku soo biiraa hannaanka siyaasadeed, waana inuu qayb ka ahaadaa wada hadal aan fowdo iyo xoog ku saleysneyn”ayay tiri Jendayi Frazer oo u warameysay Wariye Cabdiraxmaan Ceynte oo ka tirsan  Wariyayaasha BBC-da.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >